Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo la dhigay isbitaal ku yaala Nairobi

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii arrimo caafimaad loogu qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa si degdeg ah looga duuliyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in dhanka wadnaha laga qabtay.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladda Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle haatan lagu la tacaalayo isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Universaltv u sheegay in Madaxweyne Kuxigeenku uu muddooyinkanba la tacaalayay xanuunka wadnaha.

"Waxaan idin xaqiijinaya in Madaxweyne Kuxigeenku uu muddooyinkaba xanuunsanayay." Ayuu yiri Xildhibaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Xildhibaanka ayaa yiri "Wadno xanuun ayuu qabay Madaxweyne Kuxigeenka, xidid wadnaha ah ayaa fadhiyay, dhowr jeer ayaa lagu yiri ha lagu qalo, laakiin wuu diiday."

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka ay suurtagal tahay in dal saddexaad loo qaado, haddii xaaladdiisa waxba looga qaban-wayo Caasimadda Nairobi.

Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa jegada Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle loo doortay 11-kii bishii November ee sanadkii 2020.