Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo la kulmay Raysal Wasaare Barre
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre.
"Kulankan ayaa looga hadlay fatahaadda baahsan ee uu Webiga Shabelle ka gaystay Magaalada Beledweyne iyo saameynta barakaca ah ee uu ku yeeshay bulshada magaalada." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.
Warka ayaa lagu sheegay "Madaxweyne Kuxigeenka ayaa tilmaamay in xaalad bani'aadanimo oo daran ay ka jirto Beledweyne, loona baahan yahay in si degdeg ah loogu gurmado dadkaas.
Raysal Wasaaraha ayaa ballanqaaday inay si degdeg uga jawaabi doonto xukuumaddiisa xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne."
Yuusuf Dabageed ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.





