Madaxweyne Laftagareen oo abaabulaya wejiga 2aad ee hawlgalka
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo booqasho ku jooga Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa gobolkaasi ka bilaabay abaabulka iyo u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Axaddii la kulmay Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60aaad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa faray in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka laga bilaabayo gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha u sheegay in hawlgalka lagu xoreyn doono dhulka ay Shabaabku ka maamulaan gobolka, sida Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Universaltv u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda ka hawlgala deegaanada Koonfur Galbeed ay dhawaan la hawlgali doonaan ciidamo ka socda dalalka deriska.
Madaxweyne Laftagareen ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta gulufka ay ciidamadu ku qabanayaan dhulka ay Shabaabku ka haystaan deegaanada Koonfur Galbeed.
General Maxamed Cali Bariise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayay Dowladda Federaalka u xilsaartay in uu hoggaamiyo hawlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka deriska ah ay ka samayn doonaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Wejigii hore ee hawlgalka ayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay ku qabteen, inta badan deegaanadii ay maleeshiyada Shabaabka ka maamulayeen Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii sanadkan ku dhawaaqay in sanadkan gudihiisa lagu qaban doono, dhammaanba deegaanada ay Al Shabaab ka arrimiso.










