Madaxweyne Laftagareen oo ciidamada ku booqday bannaanada Baydhabo
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ciidamada ku booqday mid ka mid ah barraha ay ka ilaaliyaan amniga Magaalada Baydhabo ee ku yaala bannaanada magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku booqday difaaca ay ku leeyihiin inta u dhaxeyso deegaanada Burjeed iyo Deynuunaay oo dhanka bari uga beegan Baydhabo, kana mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaalada.
Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiil kale ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay halkaasi.
Madaxweynaha ayaa halkaasi u tegay, si uu ciidamadu ugu dhiirigeliyo in ay dardargeliyaan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli 17-kii bishii April uu Madaxweynuhu iclaamiyay hawlgal cusub oo maleeshiyadaasi lagaga saarayo dhulka ay kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed.
Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay saraakiisha ayaa ammaanay naf hurnimada ay ciidamadu sameynayaan iyo gacanta ay ka gaysanayaan difaaca dalka.
Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada ayaa ku wargeliyay in ay doonayaan in la bilaabo hawlgal cusub, oo ay isugu furayaan waddada xiriirisa Baydhabo iyo Buurhakaba.
Labadan magaalo ayaa qiyaastii isu jira fogaan dhan 65km, waxaana inta u dhaxeyso ku sugan maleeshiyada Shabaabka. Shabaabka ayaana la aaminsan yahay in saldhigooda ugu weyn ay ku leeyihiin deegaanka Mooda-moode, marka loo eego deegaanada kale ee u dhaxeeya magaalooyinkaasi.
"Waxaan rabnaa in Buurhakaba iyo Baydhabo la isku furo, jidadka kalena la furo, dalka, dadka iyo dowladnimadana la difaco oo gobanimo lagu noolaado." Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaas oo dhan waxaa keeni kara raggan meelaha fadhiya ee saraakiisha iyo askarta, markaas ayay shacabkiina gobanimo iyo nabad ku noolaanayaan."
Waxa kaloo uu yiri "Nin xornimo haysto oo nabad iyo sharaf ku nool, haddaad aragto nin ayaa duurka ugu jiro oo roobka ugu qubanayo. Nin xaaskiisa iyo shacabkiisa nabad ku hurdo, haddaad aragto nin ayaa duurka u joogo oo difaacaya."
Madaxweyne Laftagareen ayaa ciidamada ku booriyay in ay u jiheystaan, sidii ay Shabaabka uga kicin lahaayeen waddadan, maadaama sida uu sheegay ay dhowr iyo toban sano ku dhibaateynayeen dadkooda.
Laftagareen ayaa ballanqaaday in ciidamadu aysan ku keli noqon doonin hawlgalkan, isla-markaana ay garab taagan yihiin shacabkooda iyo maamulkoodaba.
"Garabkiina ayaan nahay, waan idiin la joogaynaa, dagaalka ayaana idiin la gelaynaa, waana idiin daba soconaynaa." Ayuu yiri Laftagareen oo intaa raaciyay "Kaalmadii ayaan keenaynaa, qalabkii ayaan keenaynaa iyo wax kasta oo aad u baahan yihiin. Maanta wax dambe oo magaalada looga baahan doono ma jiri doonaan, Insha'Allah. Hore ayaa loo soconayaa, illaa magaalooyinka la isku furo nin noqonayo ma leh."
Warbaahinta ayaa fahamsan in Dowladda Federaalka ay dhawaan hub iyo rasaasba u daabushay Magaalada Baydhabo, iyadoo xoojineysa hawlgalka la qorsheynayo in ciidamadu ka bilaabaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi ayaa Jimcihii Ciidamada Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab.