Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug u tegay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalmaha soo socda ka furmi doona Dhuusamareeb.

Madaxweyneyaasha Hirshabelle, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in sidoo kale ay gaaraan magaaladaasi.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaya in Raysal Wasaaruhu uu isna ka qaybgelayo shirkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, oo uu u joogo dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.