Madaxweyne Laftagareen oo ugu dambayn isaga tegey Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu diyaarad gaar ahi ka raacay garoonkaasi, isla-markaana uu u ambabaxay Magaalada Nairobi.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay warqad uu Laftagareen uu Axmed Maxamed Xuseen ugu magacaabay in uu noqdo Kusimaha Madaxweynaha, illaa iyo inta xal laga helayo. Axmed Maxamed ayaa sidoo kale ah Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay maanta la wareegeen inta badan Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Militariga ee Dowladda Federaalka ayaa dagaal culus Daraawiishta Koonfur Galbeed kula galay duleedka bari ee magaalada, halkaas oo difaacooda ugu weyn ay ku lahaayeen.
Ka dib soo gelitaankii Ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo ayaan markiiba weerarin Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, oo uu ku sugnaa Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana ay amnigeeda gacanta ku hayaan Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Somaliya ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.


