Madaxweyne Qooroor oo sheegay in Galmudug ay u jiheysatay dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in maamulkiisu uu si ku-meel-gaar ah u joojiyay howlihii uu bulshada u hayay, muddada uu socdo dagaalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegaya in maamulku uu hadda xooggiisa oo dhan isugu gaynayo, sidii maleeshiyadaasi looga xoreyn lahaa dhulka Galmudug.
"Waxaan farnay dhammaan hay'adaha dowladda oo xukuumaddu ugu horreyso in howlmaalmeedka muddo kooban si ku-meel-gaar ah loo joojiyo, dhammaana laga qaybgalo dagaalka oo la garab istaago ciidamada iyo shacabka soo gurmaday." Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo xalay Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay munaasabadda 17 sano guurada ka soo wareegatay aasaaska Galmudug ayaa sheegay in maamulku uu u jiheystay, sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada.
"Laga bilaabo caawa si rasmi ah waxaan u sheegaynaa hay'adaha dowladda howshoodii in si kmg ah aan u hakinay, inta laga sifeynayo Khawaarijta dalka." Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi ku daray inay magacaabeen guddi ka kooban Golaha Wasiirada, kuwaa oo loo xilsaaray abaabulka dagaalka, taakuleynta ciidamada, xasillinta dhulka laga saaro Shabaabka iyo inay sii wadaan howlaha degdegga ah ee maamulka, isla-markaana lagama maarmaanka ah.
"Waxaan qabanay guddi arrimaha degdegga ah, abaabulka, taakuleynta iyo xasillinta deegaanada la xoreyn doono ka hawlgala, oo ka kooban Golaha Wasiirada. Guddigaasi waxaan u magacawnay inay gacanta ku sii hayaan howlaha degdegga ah ee aan laga maarmeyn." Ayuu yiri Qoorqoor.
Shabaabka ayaa Galmudug ka haysta Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, qorshaha hadda socdana uu yahay, sidii goobahaasi looga saari lahaa.


