Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehlinayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa deegaankaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in masuuliyiintan ay halkaasi kulan kula leeyihiin masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan.
Warbaahinta ayaa fahamsan in socdaalkoodan uu la xiriiro dardargelinta gulufka dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii u ambabaxay dalka Eritrea ayaa Madaxweyne Qoorqoor u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Hawlgalka militari ee Gobolada Dhexe ayaa ahmiyad u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.


