Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo muujiyay inay diyaar u yihiin wada hadalo dheeraad

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa wajahaya cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay ku laabtaan miiska wada hadalka, si ay uga heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Labada dhinac ayaa toddobaadkii hore wada hadal saddex maalmood socday ku yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, inkastoo aanay wax is faham ah ka gaarin arrimaha muhiimka ah ee la isku khilaafsan yahay.

Wakiilada Beesha Caalamka ee degan Xerada Xalane oo ku dhex taala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa riixaya dadaalada caalamiga ah ee looga gudbayo kala qaybsanaanta Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya, haweeneyda lagu magacaabo Francesca Di Mauro ayaa xalay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii ay la kulantay iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Sabtidii ay la hadashay ay labaduba muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay wada hadaladu sii socdaan.

Francesca Di Mauro ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Soomaalidu ay iyagu go'aan ka gaari doonaan xalinta siyaasaddooda, ka Midowga Yurub ahaana ay rajeynayaan in la gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed uu aqbalay inay taggaan miiska wada hadalka, si uu Muqdisho uga furmo shir lagu gorgortamayo oo Beesha Caalamka ay korjoogteynayso

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa maalmahaanba sheegayay inay diyaar u yihiin wada hadal dhab ah oo lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed, balse uu culeysku ka jiro dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku eedeeyeen inaanu diyaar u ahayn inuu ka tanaasulo doorashada halka dhinac ee ay dowladdiisu ka shaqeynayso, tiiyoo aan welibana la ogeyn muddo cayiman oo dalka ay kaga qaban karto.

Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNTMIS) ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu gacan ka gaysanayo, sidii meesha looga saari lahaa ciriiriga jira.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka, James Swan ayaa Sabtidii sheegay in Somaliya ay gelayso xilli kala guur ah, isla-markaana ay Dowladda Federaalka ka rajeynayaan inay mudnaanta siin doonto wada hadal loo dhan yahay, laguna go'aaminayo qaab doorasho oo heshiis lagu yahay.

Dadaalada diblomaasiyadda caalamiga ah ee socda ayaa lagu raadinayaa in la helo xasillooni iyo dowladnimo hufan.

Somaliya ayaa wajaheysa xilli aad u xasaasi ah, iyadoo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh la sheegayo inay cagta saartay jidka hal sano oo muddo kororsi ah, taasna ay sii hurineyso xiisadda siyaasadeed ee aloosan dalka.

Hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay ayaa muhiim u yahay in hoggaanka si nabad loola kala wareego amaba dib xilka loogu soo doorto ciddii talada dalka haysa.