Madaxweyne Xasan Sheekh oo bilaabay in uu wadatashi la sameeyo madaxda dalalka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay in uu wadatashi diblomaasiyadeed la sameeyo hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood, ka dib markii Israeli ay Jimcihii ku dhawaaqday in ay Somaliland u aqoonsaneyso dal madaxbannaan.

Dowladda Somaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabadan, waxayna Golaha Wasiirada ay xalay soo saareen war ay ku sheegayaan in Israel ay ku soo gardarootay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Sabtidan wada hadal khadka teleefanka ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya ahna Hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), William Ruto,  Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.

"Wada hadaladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Raysal Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madaxbannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay "Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyay garab istaagooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Somaaiya, iyagoo adkeeyay in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madaxbannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobey, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha."

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriiray Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo xoojinaya dadaaladiisa diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah aqoonsiga Israel ee Somaliland.

"Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Somaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida qaran ee Somaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida gobolka." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaasi ku daray "Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiya y garab istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobey iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan."

Villa Somalia ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii wadi doono wadatashiyada uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah ee lagu difaacayo midnimada iyo qaranimada dalka.

Somaliland aaa dhowr iyo soddon sano raadineysay aqoonsi caalami ah, iyadoona Israel ay noqoneyso dalkii ugu horreyay ee si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada dal ka madaxbannaan Somaliya.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqday in ay dib gooni isu taageeda uga la soo laabatay Somaliya inteeda kale, ka gadaal markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Somaliland ayaa muddadaasi baadigoobeysay aqoonsi caalami ah, iyadoona dowladihii dalka isaga kala dambeeyay lagu dhaliilo inaanay u dhaqaaqin dariiq si sax ah loogu xalinayo tabashada ay qabaan dadka reer Somaliland.

Somaliland ayaa tobanaan sano u dhaqmeysay sida dal madaxbannaan, waxayna sameysatay lacag, calan, ciidamo iyo baarlamaan u gaar ah.

Madaxda Somaliya ayaa waxay Somaliland u arkaan qayb ka mid ah dalka Somaliya, laakiin Siyaasiyiinta Somaliland waxay iyagu qabaan in ay goor hore kala taggeen Somaliya.