Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho hal maalin ah ku tegay Addis Ababa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Raysal Wasaaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Kulanka ayay labada hoggaamiye uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga wararka ee Villa Somalia.
"Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is ixtiraamka, deris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika."
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo oo hal maalin ah ku tegay Addis Ababa, sida warka lagu sheegay.
Safarkan ayaa imanaya, xilli Dowladda Soomaaliyeed ay ka walaacsan tahay shirka Magaalada Kismaayo uga socda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.






