Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadaadis uu ka haysto mid ka mid ah beelaha Galmudug

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya cadaadis kaga imanaya beesha Magaalada Dhuusamareeb, oo gebi ahaanba diidan in musharax aan beeshaasi u dhalan lagu taageero inuu noqdo hoggaamiyaha xiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siyaasiyiinta, odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada beesha ayaa bilaabay inay farriimo ay arrintaasi kaga soo horjeedaan gaarsiiyaan Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ka dib markii Sabtidii ay soo baxeen warar sheegaya in Guddiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda & Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ay go'aamiyeen in Liibaan Axmed Xasan uu noqdo musharaxa JSP ku meteli doona doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo 9-ka bisha July.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadan ay diidmadooda ku saleynayaan in jufooyinka beesha aqlabiyadda Gobolada Dhexe ay heshiis ku yhiin in jufo kastaa ay mar qabato Hoggaanka Galmudug, isla-markaana haatan la joogo waqtigii ay iyagu qaban lahaayeen amaba uu doorka ku yimid kalkooda.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadu ay Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaageen inaysan beeshu cabasho ka qabin dib u doorashada Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sababtuna waa in Madaxweynaha xafiiska jooga uu xaq sharci ah u leeyahay in mar kale la doorto, balse ay diidan yihiin in nin ay horey jufadiisa kursiga u qaadatay uu musharax noqdo, iyadoo aan la gaarin wareegooda.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo gelinkii dambe ee Talaadadii kulan wadatashi ah isugu yeeray Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaan jirin wax ay isku raaceen.

Agaasimaha NISA ayaa muddooyinkan u ololeynayay in uu isagu noqdo musharax JSP ee doorashada soo socota ee Galmudug, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu toddobaadyo ka hor ku taageeray ayaa waxaa dib ka mucaaraday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah ragga iska leh go'aanka ugu dambeeya ee JSP.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Faarax uu ku taliyay in Liibaan Axmed Xasan uu yahay kan ku habboon musharaxooda Galmudug, isla-markaana uu u arko inuu leeyahay sifooyinka ay uga baahan yihiin inuu yeesho musharaxa xagooda ka socda.

Culeyska Madaxweyne Xasan Sheekh uga imanaya beesha Mahad Salaad ayaa keentay in dib loo dhigo in musharaxnimada Liibaan Axmed lagaga dhawaaqo Magaalada Dhuusamareeb.

Xubno ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee beesha ayaa doonaya in Villa Somalia ay Mahad Salaad ku garab siiso, sidii uu u noqon lahaa musharaxa JSP iyo Hoggaamiyaha Galmudug, lamana oga in dalabkooda lagu taageeri doono iyo in kale.

Cadaadiska beesha ayaa weji kale u yeelaya xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ee horaantii bishan ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoorqoor, ka dib markii Villa Somalia ay ka caga-jiidday inuu Qooqoor noqdo musharaxa JSP.

Arrinta hadda soo korortay ayaa sii hurineysa khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ee la xiriira hannaanka maamulka iyo doorashada lagu wado inay ka qabsoomto 11 magaalo oo Galmudug ah.

Xiisadda Galmudug oo dad badani ay welwel ka muujinayaan ayaa waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo, si looga hortago wax kasta oo qalqalgelin kara amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo dadaalada loogu diyaargaroobayo doorashada laga qabanayo deegaanada Galmudug.