Madaxweyne Xasan Sheekh oo diblomaasiyiinta shisheeye ku maamuusay kulan afurin ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblomaasiyiinta ka hawlgala dalka, oo uu wehlinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, afur wadareed ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soo dhaweynta.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ahi ka qaadanayaan dowlad-dhiska Somaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go'an tahay dib u soo celinta amnigii iyo xasilloonidii dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka, xubno ka mida diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka iyo marti sharaf kale.
Booqashada uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey maanta ku yimid Caasimadda Muqdisho ayaa imaanaysa, xilli Dowladda Federaalka ay dadaal badani ku bixineyso, sidii dalka looga qaadi lahaa xayiraadda hubka ee saaran.





















