Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhigga 7aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhigga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib wax ka badan saddex bilood oo Xildhibaanadu ay fasax ku maqnaayeen.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqadii ay soo qabteen Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad, Lixdii Kalfadhi ee hore.

"Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, Mudaneyaal iyo Marwooyin maanta waa maalin weyn oo Ilaahay looga mahadceliyo inaan soo gaarnay furitaanka Kalfadhigga 7aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya, waxaana Ilaahay ka baryaynaa inuu Baarlamaanka ka dhigo mid lagu xaqiijiyo qorsheyaashii dheeraa ee aad u dejiseen Baarlamaanka markii la idiin soo doortay iyo kuwii dhawaa ee horey u soo xaqiijiseen ama ku xaqiijin doontaan Kalfadhigga 7aad." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan bogaadinayaa howsha baaxadda leh ee Baarlamaanka uu soo qabtay muddadii Lixda Kalfadhi ahayd, laga soo bilaabo Doorashadii Hoggaanka Baarlamaanka, Doorashadii Hoggaanka Dalka iyo ansixintii Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya. Waxa uu Baarlamaanka 11aad qabtay howlo badan oo hortebin u leh dhismaha dowladnimadeenna, ha ahaadeen ansixinta sharciyadii suurtageliyay in daynta na laga cafiyo iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, kuwii la xiriiray dhismaha hay'adaha nabadgelyada iyo difaaca dalka, kuwii xoojinayay iskaashiga iyo xiriirka aan la leenahay caalamka iyo kuwii qaabeynayay howlaha adeegga bulsho ee aanu metelaaddeeda iyo masuuliyaddeeda halkan maanta aan ku fadhino."

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka ku amaanay "Baarlamaanka 11aad waxaa sharaf iyo amaan u ah in uu ku dhiiraday qabyo-tirka dastuurka, oo ahayd howl la dib dhigayay, laga soo bilaabo Baarlamaankii 9aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socda ee ummaddeenna inaad tihiin kuwii ku dhiiraday dhameystirka dastuurka, taariikhdaas oo aad iyo aad loo qori doono."

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa sheegay in qaarkood ay heshiis gaareen, iyadoo dowladdu ay dhinaceeda tanaasul sameysay.

"Siyaasiyiinta Mucaaradka intoodii badneyd waxaan isku afgaranay qodobada masiiriga ah ee maanta dalka ka jiraa in hore loo dhaqaajiyo, oo ay ka mid tahay dhameystirka dastuurka iyo in dalka laga sameeyo doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan xisbiyo siyaasadeed." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay inay ogolaadeen in Madaxweynaha soo socda lagu soo doorto Teendhada Afisyooni, iyadoo welibana uu Baarlamaanku ansixiyay in dadweynuhu ay si toos ah u soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, sanadka 2026.

"Waa taan horey u soo sheegay mushkiladda ma ahan khilaafka, oo ah kala duwanaansho ra'yi ee waa sida hadba loo xaliyo khilaafka. Waxaan dooranay khilaafka inaan ku xalino wada hadal, is afgarasho iyo isku tanaasul." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tixraacayay heshiiskii ay daba-yaaqadii bishii August la galeen garab ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo afar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka oo kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo labaduba soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raysal Wasaarihii hore ee dalka iyo Ex Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilligaasi ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka ee Heer Dowlad Goboleedyada iyo Heer Federaalba, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalkana ay soo dooran doonaan Madaxweynaha.

Heshiiskan ayaa waxaa qaadacay garabka kale ee Madasha Samatabixinta, oo ah garabka ugu weyn ee Xubnaha Mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furitaankiisii Kalfadhigga 7aad ee Baarlamaanka ka sheegay in weli ay daba socdaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee sida uu yiri weli tabashada qaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan khudbaddiisa ku soo hadal qaadin is rasaaseyntii toddobaadkii hore Muqdisho ku dhex martay Ciidanka Booliska iyo Ilaalada Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood.