Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcahan gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Addis Ababa kaga qaybgelaya shir saddex geesood ah, oo ay yeelanayaan Madaxda Somaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

"Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhaxeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqabadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Somaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Somaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, sidoo kale dadaalada Dowladda Somaliya ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaanada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol."