Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay odayaasha lagu dilay weerarkii Galgaduud

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Odayaashii Dhaqanka, ee ay saakay maleeshiyada Al Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljire, oo ay argagixisadu ku dishay Magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.
Warka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Al Shabaab ay kula kaceen Nabadoonada birmogeydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxandarrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qof kasta uu u istaago, sidii dalka looga xoreyn lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Al Shabaab laga sifeeyey deegaano badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxandarrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Somaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso."


