Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay ciyaartii finalka ee Howlwadaag iyo Warsheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho kaga qaybgalay ciyaartii finalka ee galabta ku dhex martay Degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ka qaybgalay kumanaan dadweyne oo u badan taageereyaasha labada kooxood. Dadka ayaa intooda badan isaga kala yimid xaafadaha Magaalada Muqdisho, si ay u daawadaan ciyaartan oo la wada sugayay.
Ciyaartan ayaa lagu soo afmeerayay Tartanka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona ciyaartoyda Degmada Howlwadaag ay u suurtagashay in ay 2-1 kaga adkaadaan ciyaartoydii martida ee ka socday Degmada Warsheekh.
Warsheekh oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe waxaa sanadkan lagu soo martiqaaday Tartanka Koobka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay si ammaan ah. Booliska ayaa horey u soo rogay amar ah inaanan wax hub ah iyo waxyaabaha kale ee amni darrada loo adeegsan karo aan lala geli karin garoonkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciyaartoyda Howlwadaag guddoonsiiyay koobka, tani oo xusuus u yeelan doonto bahda ciyaaraha.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay ciyaartoyda labada degmo iyo taageereyaashooda, wuxuuna bogaadiyay sida quruxda badan ee tartanka uu ugu soo geba-gabeeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada ku booriyay in sida ay ciyaartan uga soo qaybgaleen ay ugu soo baxaan doorashada qofka iyo codka ee la qorsheynayo in laga qabto Degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.
"Waxaad haysataan fursad, go'aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiina." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba ha-haatee waa markii ugu horreysay oo Degmada Howlwadaag ay ku guuleysato tartankan, muddo 24 sano ah.





















