Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka Somaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa ka qaybgalay shirka saddex geesoodka ee dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.
Shir Madaxeedkan ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafa-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raysal Wasaareyaasha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Talyaaniga Giorgia Meloni la wadaagay guulaha mira-dhalka ah, ee ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go'an tahay xaqiijinta Somaliya xor ka ah kooxaha argagixisada, hormuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Warka ayaa lagu yiri "Dhankooda, Raysal Wasaaraha dalka Talyaaniga, Marwo Giorgia Meloni iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wejiga koowaad ee hawlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay in dalalka gobolka iska kaashadaan ciribtirka argagixisada, gaar ahaan wadamada safka hore ee deriska la ah Somaliya."










