Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgelaya kulan dadweyne oo su'aalo lagu weydiinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgelaya kulan dadweyne, oo si toos ah su'aalo loogu weydiin doono Madaxweynaha.
Kulankan oo ay Villa Somalia soo qaban-qaabisay ayaa lagu lafa-guri doonnaa, waxa u hagaagay Dowladda Federaalka sanadkii tegay iyo waxa ay hiigsaneyso sanadaha soo socda, waana kulan ay si toos ah Warbaahinta u tebin doonto.
Dadweynaha ka qaybgelaya kulankaasi ayaa si toos ah su'aalahooda u weydiin doona Madaxweynaha, isagoona ay tahay in uu kaga jawaabo.
Sidoo kale dadka aan madasha ku sugnayn ayaa su'aalaha ay doonayaan in la weydiiyo Madaxweynaha, ay ku diri karaan Warbaahinta Qaranka iyo kuwa kale ee baahinaya kulankaasi.
Dadka ayaa su'aalahooda ku gudbin kara, hab maqal iyo muuqaal amaba qoraal ahaan.
Tani ayaa imaanaysa, xilli ay laba toddobaad ka harsan tahay sanad guurada 1aad ee dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku beegan 15-ka bishan May.


