Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tegey Qoorqoor, una xagliyay Mahad Salaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garab istaag u muujiyay saaxiibkiisa siyaasadda waa Mahad Maxamed Salaad, isagoona ka tegey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug.
Muddooyinkanba waxa uu loolan siyaasadeed u dhaxeeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Mahad Maxamed Salaad, oo ah Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), iyaga oo ku loolamayay ciddii noqon lahayd musharaxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ku meteli lahaa doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July.
Madaxweynaha Galmudug oo sanadihii u dambeeyay wada-shaqayn dhow la lahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa halgan adag u galay, sidii uu ugu guuleysan lahaa taageerada Ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, taas aanu weli ku guuleysan.
Mahad Salaad oo lagu tilmaamo gacanta midig ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa doonaya in uu iska dhex arko Madaxtooyada Galmudug amaba in booskiisa lagu bedelo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Mahad Salaad ayaa waxaa ka go'an in uu noqdo Madaxweynaha Galmudug ama in uu jegadaasi uga tanaasulo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu toddobaadkan taageeray mowqifka Ina Salaad, isla-markaana uu ku raacay in is bedel siyaasadeed laga sameeyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballanqaad aan laga laaban karin ugu sameeyay Mahad Salaad, lana xiriira in la gayn doono Madaxtooyada Galmudug, waana sababta toddobaadyadii u dambeeyay uu Ururkiisa JSP uga caga-jiidayay in Qoorqoor la siiyo taageerada ururka ee doorashada soo socota ee Galmudug.
Marka aad eegto in aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee dalka laga qabanayo iyo doorashada halka dhinac ah ee Villa Somalia ay waddo ayaa waxay u badan tahay in musharaxa ay waddato Dowladda Federaalka oo keliya uu ku soo baxo tartan walbo oo la qabto, maadaama Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay ku milan yihiin Villa Somalia.
Loolanka siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka ku wajihi karto Hoggaamiyaha Galmudug, si meesha looga saaro iyo falcelinta ay iska caddahay inuu Qoorqoor samayn doono ayaa caqabad ku noqonaya doorashada qofka iyo codka ee laga qabanayo deegaanada Galmudug.
Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in Villa Somalia aysan Qoorqoor la'aantii doorasho natiijadeeda la sii ogyahay ka qaban karin deegaanada Galmudug, isla-markaana aanay qaadi karin tallaabo la mid ah middii awoodda looga maquuniyay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), sababo isbiirsaday awgood.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Qoorqoor uu diyaargarow iyo abaabul ciidanba ka wado magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, si gaar ah Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado iyo Baxdo, si uu uga hortago mowjado siyaasadeed oo tallaabo militari ay la socoto.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Qoorqoor uu ciidamo cusub ku biiriyay kuwii horey uga hawlgelayay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, si loo beegsado diyaarad kasta oo ciidan sidda oo dowladdu u soo dirto magaaladaasi.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Dhagaweyne uu hoos u dhigay amar uu ka helay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, si ay militarigu ula wareegaan amniga Dhuusamareeb.
Korneyl Dhagaweyne ayaa isku dayaya in khilaafka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal, si looga hortago dagaal dadka reer Galmudug dhexdooda ah, hadhowna cawaaqib aan la mahdin ku yeelan kara hannaanka siyaasadeed, geeddi-socodka xilliga kala guurka, wadajirka dadka deegaanka iyo weliba amniga ay maanta haystaan.
Korneyl Dhagaweyne ayaa laga yaabaa in uu aqbalo amarka taliska ee ku saabsan in ay militarigu la wareegaan gacan ku haynta Dhuusamareeb, laakiin waxaa la sheegaya in uu goor horeba ka sii digay in xaaladda Galmudug ay faraha ka bixi karto, dadka deegaankana ay ka dhaxli doonaan dib-u-dhac iyo daal badan.
Si kastaba ha-ahaatee caqabadaha isku dhafan ee miiska saaran ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku jiidi kara in uu dib u fekero, isagoo miisaamaya duruufaha ku gadaaman is bedelka ay dowladdiisu dooneyso in laga sameeyo Galmudug.


