Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Ciidamada Dowladda ee ku tababaranaya Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka Somaliya oo tababar uu uga socdo dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa ciidamada ku booqday Xarunta Ciidanka Cirka Eritrea (EAF) ee Magaalada Asmara, halkaas oo ciidamadu ay tababarka ku qaadanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgelayay xaaladda ciidamadaasi ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha iyo askarta qaarkood.

Madaxweynaha oo shalay galab gaaray Caasimadda Asmara ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyne Isaias Afwerki, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dalkaas, Yemane Meskel.

Wasiirka ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay isla qaateen in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dhinac oo dhinac kasta leh, kaasoo horumarinaya buu yiri danaha labada shacab, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, ciidamada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Eritrea ayaa ka mahadceliyay doorka Eritrea ka qaadaneyso dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo is garabtaagga ay u muujisay Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeedaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii dalkaasi, isagoona dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Safarkan ayaa noqnayo kiisii lixaad ee Madaxweynuhu uu ku taggo dalkaasi, tan iyo markii dib loogu soo doortay xafiiska, bishii May ee sanadkii 2022.