Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Xerada Ciidamada ee Hiilweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeer ku tegay Xerada Hiilweyne, oo ku taala inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda.
Ciidamada oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan sugidda amniga Magaalada Muqdisho, kana hortaggaan weerarada maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabadgelyada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyadooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.





















