Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Degmada Maxaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii labaad ku hooyanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ka wada kulamo lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa kulamadaasi la qaadanaya siyaasiyiinta deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto gobolkaasi iyo bulshada reer Maxaas.
Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada ku sugan degmadaasi ayaa sheegay in kulamada oo ah kuwo xiriir ah looga hadlayo la dagaalanka Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la kulmay waxaa ka mid ah Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, kaas oo sida la sheegay 25-kii bishii June loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State.
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo bartamihii bishaasi xilka ka qaaday Gudoomiye Jeyte ayaa xiisad ka abuurtay gobolkaasi, taas oo weli gobolka ka taagan.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Jeyte ay si dhow uga wada hadleen khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle iyo Kugeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), oo hal dhinac ka ah xil ka qaadistiisa.
Hase yeeshee Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegaya inaanan kulamada socda looga hadleynin wax khuseeya arrimaha siyaasadeed.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Cali Jeyte ay ka wada hadleen, sidii loo dardargelin dagaalka ay tahay in dalka looga saaro maleeshiyada Shabaabka.
"Madaxweynaha iyo Cali Jeyte dhowr mar ayay is arkayn, waana wada hadleen, waxayna ka wada hadleen uun waa arrimaha dagaalka ah iyo sidii dagaalkaas loo sii laba jibaari lahaa, maadaama Cali Jeyte uu dagaalkan bilowgiisa uu kow ka ahaa, taas ayaana taladeedii, tusmadeedii iyo wadatashigeedii isaga yimaadeen." Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir oo BBC la hadlay.
Mar wax laga weydiiyay waxa Madaxweynuhu uu Xildhibaanadooda kala hadlay ayaa yiri "Madaxweynaha waxaan isla garanay cadowga Shabaab inuusan qof bani'aadam ah dhaafeynin, qof welibana inay masuuliyad ka saaran tahay in si wadajir ah dagaalkaasi loo wada galo, la lana laba jibaaro, dadka deegaankana lagu wacyigeliyo in weli uu cadowgu taagan tahay."
Madaxweynaha ayaa gadaal ka riixaya, sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa gulufka lagu wiiqayo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.
Degmada Maxaas ayaa la doonaya in mar kale laga abaabulo hawlgal ballaaran, oo Shabaabka lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud.
Hawlgalkan militari ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dagaalka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kula jirto Al Shabaab.


