Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo in uu la kulmo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa si ku-meel-gaar ah ugu shaqayn doona magaaladaasi, si uu uga la socdo qorsheynta wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Wareegga hore ee hawlgalka ayay dowladdu diiradda ku saareysaa, sidii looga takhalusi lahaa Shabaabka ka hawlgala deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, gaar ahaan Galmudug. Madaxweynaha ayaana kormeer ku samayn doona furimaha dagaalka, si uu u dhiirigeliyo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb kulamo kula leh odayaasha beelaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu ugu bogaadiyo in ay meel kaga soo wada jeestaan la dagaalanka Al Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in inta Madaxweynuhu uu ku sugan yahay Galmudug uu la kulmi doono Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu saldhigoodu ahaa deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.
Labada dhinac ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqday kuwo isu soo dhaweynaya, iyadoo ayna wada hadalo hoose u socdeen.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu doonayo in Xoogaga Ahlu Sunna ay ka qayb qaataan hawlgalkan, qorshahaas oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay soo socday.
Xoogaga deegaanka ee lagu kala abaabulayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa qayb ka ah Xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, kuwaa oo qaarkood la fahamsan yahay in Dowladda Federaalka ayba hubeysay.
Toddobaadkii hore xoogagii lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka mid ahaa Xerta Ahlu Sunna.
Sidoo kale xoogaga lagu diyaarinayo Degmada Wisil ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno kale oo ka tirsan Xerta Ahlu Sunna, waana kuwii 27-kii bishii June ee sanadkii 2021 Shabaabka ka difaacay degmadaasi, xilli ay ku qaadeen weerar saf ballaaran oo ay doonayeen in ay kula wareegaan.
Xoogaga kale ee lagu abaabulayo Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa qayb ka ah xer kaloo kuwa Ahlu Sunna ah, kuwaa oo ka qayb qaatay qorshihii ay ciidamadu sanadkii hore ku fashiliyeen isku dayadii kala dambeeyay, ee ay Shabaabku ku doonayeen in ay ku qabsadaan Baxdo iyo Qaayib.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garowsan in Xoogaga Ahlu Sunna oo mar ahaa cudud ka jirta Gobolada Dhexe ay muhiim u yihiin dagaalkan ay dowladdiisu kula jirto maleeshiyada Shabaabka.
Madaxweynaha ayaa la sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna uu ku qancin doono in marka hore ay gacan ka gaystaan dagaalka bartamaha dalka looga sifeynayo Al Shabaab, wixii kale ee ku aaddan damacooda siyaasiga ahna ay isaga iman doonaan, kolka dalka laga xoreeyo kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha ayaase la sheegaya in Madaxda Maamulkii Ahlu Sunna uu u muujin doono xaqa ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashada xigta ee Galmudug.
Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lafdhabar u ah Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe iyo Saraakiil kale ayaa waxay iminka dhawrayaan, oo ay sugayaan uun in Madaxweynuhu uu u yeero.
Ma cadda goorta ay labada dhinac kulmi doonaan, balse kulanka ayaa la sheegay in uu qabsoomi doono, muddada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay deegaanada Galmudug.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa mar sii horreysay sheegay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Dowladda Federaalka, isla-markaana ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka uu qasdigu yahay in lagu soo afjaro Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.
Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in cid kasta oo ku habboon uu iskaashi kala yeesho dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa loo arkaa caqabadda ugu weyn ee maanta horgudban amniga dalka. Horaan Pentagon-ka Mareykanka ayaaba ku tilmaamay in ay yihiin khatarta ugu weyn ee xilligan ka jirta Afrika.


