Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Caasimadda Doha ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhameystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Somaliya iyo Qatar, taas oo dhabaha u xaareysa adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

"Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa bogaadiyay guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab, isagoo Dowladda Somaliya ku ammaanay dadaalada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warka ayaa lagu sheegay "Dowladaha Somaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qoto dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha caalamka."

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa fiidnimadii xalay gaaray dalkaasi, ka dib markii uu casuumaad ka helay Amiir Tamim bin Hamad Al Thani, waana safarkiisii saddexaad ee uu dalkaasi ku taggo, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay, oo hal sano laga joogo.