Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Jeddah kaga qaybgelaya Meertada 32aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa fiidnimadii Jimcaha la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Dhanka kale shir sanadeedkan ayaa waxaa sanadkan ka qaybgelaya Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, ka dib muddo 12 sano ah oo uu ka maqnaa saaxada siyaasadda Carabta.

Mohammed bin Salman oo soo dhaweeyay Madaxweyne Assad ayaa sheegay inuu rajeynayo in dib ugu soo laabashadiisa siyaasadda Carbeed ay gacan ka gaysato soo celinta xasilloonida gobolka.