Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Golaha Wasiirada Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shirka uu ku wehliyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa looga hadlay dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, oo yoolkiisu yahay in lagu xoreeyo deegaanada ay maamulaan.

"Madaxweynaha oo Golaha Wasiirada la wadaagay qorsheyaasha Dowladda Federaalka ee dardar gelinta wejiga labaad ee hawgalka dib-u-xoreynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee hawlgalka ciribtirka Khawaarijta." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka 1aad iyo Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo masuuliyiin kale."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 1-dii bishii January iclaamiyay in dowladdiisu ay sanadkan soo afjari doonto Shabaabka muddada dheer dalka ka dagaalamayay.