Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaanka Ururada Siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan wadatashi la qaatay Hoggaanka Ururada Siyaasadda ee isku diiwaangeliyay doorashada soo socota.

Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si shacabku ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

"Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyay dadaalada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyay si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, Hoggaanka Ururada Siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhameystirka nidaamka dimoqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyay in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada kulamo wadatashi ah, ka hor inta aan la gaarin 15-ka bishan, markaas oo la filayo in uu furmo shirka uu Madaxweynuhu isugu yeeray Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hoggaamiyeyaaha Bulshada Rayidka.