Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay madax uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Pakistan
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii Magaalada New York kula kulmay Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
Kulanka ayaa dhacay, intii lagu guda jiray furitaanka Meertada 81aad ee Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey, sida uu Raysal Wasaaraha Pakistan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.
War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu New York kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa iyo Raysal Wasaaraha Pakistan.
"Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Somaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray "Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Somaliya ka xaqiijisay nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadlay fursadaha iskaashi ee Somaliya ay la yeelan karto dalalkaasi."
Bog cusub ayaa u furmay xiriirka iskaashiga Somaliya iyo Pakistan ee dhinacyada difaaca iyo amniga, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay labada dowladood bishii August ku kala saxiixdeen Magaalada Islamabad.
Heshiiskan ayaa Somaliya looga taageerayaa dhismaha awoodda ciidanka, amniga badda iyo cirka.









