Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay siyaasiyiin ay ku jiraan madax hore
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan wadatashi ah la yeeshay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Raysal Wasaarihii ugu dambeeyay ee xafiiska banneeya waa Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray Siyaasiyiinta Mucaaradka, si uu wadatashi uga geliyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland.
"Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israel ku soo qaadday qaranimada dalka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed." Ayaa lagu yiri war goor dhow ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa intaasi ku daray "Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dalka ay tahay masuuliyad wadareed ka sarreysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigeysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed."
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Somaliland iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, isagoona kala hadlay xaaladdan soo korortay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Axadda uu khudbad u jeediyo Xildhibaanada Labada Aqal, oo lagu wado in uu kula hadlo Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Kulamadan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta khadka teleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood, si dunida ay uga hortimaado aqoonsiga Israel ee Somaliland.






