Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga sugayo in uu ka jawaabo farriinta mucaaradka

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ka fekeraya jawaabta ku habboon ee ay ka bixin karaan farriinta ay ka heleen dhinacyadii shirka ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee geba-gabadiisana ka soo saaray in loo baahan yahay in muddo bil ah lagaga heshiiyo khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka.
Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Somaliya ayaa warmurtiyeed ay habeenkii Sabtida soo saareen, waxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen in uu shir isugu yeero saamileyda siyaasadda, si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda, balse haddii uu ka dhega-adeygo ay qaban doonaan doorasho ay sheegeen in looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.
Shacabka ayaa walaac xoog leh ka muujinayay in dhinacyada Kismaayo ay ku dhawaaqaan doorasho ay ku mucaaradayaan midda ay Dowladda Federaalka ka shaqeynayso, ha yeeshee taasi ma dhicin, waxayna ka horreysiiyeen inay taageerayaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, ayna ka soo horjeedaan wax kasta oo dhaawacaya midnimada dalka iyo dadka.
Shacabka ayaa hadda eegaya, halka looga dhaqaaqi doono isgoyskan la taagan yahay, taasoo ku xiran hadba jawaabta laga helo dhinaca Villa Somalia.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayay dadku ka dhowrayaan jawaab togan, oo dalka looga samatabixin karo dib u dhac, waana habka lagu sii xoojin karo dowlad dhiska Somaliya, isla-markaana lagu dhameystiri karo geeddi-socodka dimoqraadiyeynta dalka.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Beesha Caalamka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadineyso in ay ogolaato in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Madaxda Qaranka ayaad mooddaa in cadaadiska gudaha iyo dibadda uu ku kordhayo, si Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada ay u noqoto mid loo dhan yahay.


