Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta bannaanbax kaga qaybgalaya Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta bannaanbax kaga qaybgalo Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxan ayaa ah mid lagu xusayo munaasabadda 63 sano guurada ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyiga & Koonfurta Somaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada ee Toddobaadka Xorriyadda ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ay Sabtidan isugu soo baxaan Stadium Muqdisho.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi kula hadli doono shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana uu kala hadli doono sida uu yiri xorriyadda, macnaheeda & maamuuskeeda iyo dhammaan qadiyadaha kale ee dalka.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in shacabka ay si nabadgelyo leh ku iman karaan goobta bannaanbaxaaasi lagu qabanayo, iyadoo hay'adaha ammaanku ay gudanayaan buu yiri waajibaadkooda qaran ee xagga amniga.
Fiqi ayaa dadka ka soo qaybgalaya bannaanbaxaasi iyo qof kasta oo ku nool Caasimadda Muqdisho ugu baaqay in uu qayb ka noqdo dadaalada lagu sugayo amniga, cid kasta oo falal amni darro ay uga shakiyaana ku soo wargeliyaan laamaha amniga.


