Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Jabuuti kala hdlay xiisadda diblomaasiyadeed ee taagan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Djibouti, isagoona kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti kala hadlay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland.

"Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wadatashiga iyo iskuduwidda dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qaybinta Somaliya." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu yiri "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab istaagga Somaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka."

Warka ayaa intaasi ku daray "Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wadatashiga diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha. Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay mar kale ku celineysaa go’aankeeda adag, ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka."

Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa saacadaha soo socda kulan ka yeelanaya xiisadda Israel lagu eedeeyay inay ka hurisay Gobolka Geeska Afrika, ka dib markii ay Somaliland u aqoonsatay dal madaxbannaan.

Kulankan ayaa ah mid ay codsatay Dowladda Somaliya, iyadoona Xubnaha Golaha Ammaanka ka dooneysa in ay cambaareeyaan go'aanka Israel.