Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La taliyaha Qulqulka Hubka Sharci darrada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qayb ka tahay qorshaha qaran ee dalka lagaga dulqaadayo cunaqabateynta hubka ee saaran, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay La taliyaha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto qaranka.


