Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda Somaliya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa xarunta kula kulmay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandnigga, Cumar Cali Cabdi.
Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanku uu ku saabsanaa amniga iyo xoreynta dalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Saraakiisha hoggaamineysa qaybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ay Madaxweynaha la wadaageen warbixino la xiriira hawlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.
Qoraalka laguma soo hadal qaadin xiisadda sii kordheyso ee Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo Arbacadii mar kale laba kacleysay, ka dib markii Addis Ababa ay sheegtay inaysan iska eegan doonin xaaladaha ka soo kordhay gobolka, iyadoona durtay qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed ugu gogol-xaareyso in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda dalka Masar ay yimaadaan dalka.
Wasiirka Difaaca Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo Khamiistii Magaalada Muqdisho kula hadlayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa adkeeyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan cadowga gudaha iyo kan dibadda.
Xiisadda labada dal ayaa salka ku haysa khilaaf xoogan oo ka dhashay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay 1-dii bishii January gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u ogolanayay in laga kireeyo 20km oo marin badeed ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn uga horyimid heshiiskaasi ayaa ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla-markaana aan dhaqangeli doonin.
Booqashada uu maanta Madaxweynuhu ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa noqonayso tii labaad ee uu ku tago 50 maalmood gudahood.