Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcahan aaladda fogaan aragga ah kaga qaybgalay kulanka 23aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyay Madaxda dalalka ku bahoobay dalladdan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Somaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Somaliya ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir Madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhaxeeya wadamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Somaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.  

“Maanta Somaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, innaga oo ka qaybgalnay shir madaxeedkeenii ugu horreeyay, innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan dalladdan. Somaliya waxa ay dhawaan soo direysaa wakiilladeeda Labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri "Xubinimadeenna Dalladda Bulshada Bariga Afrika waa bog cusub oo u furmay hayaanka xaqiijinta himillooyinkeenna qaran, kaas oo ballanqaadaya kobac dhaqaale, xasillooni, iyo barwaaqo."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorsheyaal cad, oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhaxeeya dowladaha xubnaha ka ah EAC.

Somaliya ayaa 15-kii bishii December si rasmi ah uga mid noqotay dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano (EAC).

Ku biirista Somaliya ee Dalladda EAC ayaa loo arkaa mid horseedeysa xilli cusub oo kordhin ah, maadaama muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliya ay sare u qaadi doonto muhiimadda bulshada gobolka.

Somaliya ayaa noqoneysa dalkii 8aad ee ka mid noqdo EAC, si ay u ballaariso ganacsiga xorta ah ee gobolka.

Dalalka xubnaha ka ah Dalladda EAC ayaa kala ah Tanzania, Rwanda, Burundi, Uganda, Kenya, South Sudan, Somalia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.