Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, Albert Shingiro, kaas oo gelinkii dambe ee Axaddii soo gaaray Magaalada Muqdisho.
"Wasiirka ayaa soo gaarsiiyay Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa, Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Somaliya ay u leedahay gobolka iyo adduunka." Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.
Qoraalka ayaa lagu yiri "Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee Dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagu la jiro argagixisada Al Shabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka Dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka."
Burundi ayaa waxaa dalka ka jooga dhowr kun oo ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika, kuwaa oo Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.







