Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Guddiga Dib U Eegista & Hirgelinta Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Guddiga Madaxabannaan ee Dib U Eegista & Hirgelinta Dastuurka, si ay waajibaadkooda u gutaan.

Guddigan oo 5 xubnood ka kooban ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib soo jeedintii Golaha Wasiirada, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG.

Xubnahan ayaa waxaa 2-dii bishan soo magacaabay Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud, iyadoona isla xilligaasi ay Golaha Wasiirada meelmariyeen.

Xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka KMG ayaa kala ah:-

Maxamed Xasan Idiris

Axmed Maxamuud Jaamac

Maxamed Cabdalla Saalax

Farxiya Muumin Cali

Burhaan Aadan Cumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka uu muhiim u yahay Dowladda Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga inay dardargeliyaan shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama dastuurku uu yahay kan hagaya aayaha dalka.