Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sideed sharci

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay sideed sharci ah, ka dib munaasabad casho sharaf ahayd oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Sharciyadan ayaa waxaa dhawaan saxiixay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoona Villa Somalia u aragto kuwo muhiim u ah dalka.

Sharciyada uu Madaxweynuhu saxiixay ayaa kala ah:-

 1 .Sharciga La dagaalanka Argagixisada 

 2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliyeed 

 3. Sharciga Socdaalka 

 4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Khayraadka Dhulka Hoostiis 

 6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga & Maalgashadayaasha 

 7. Sharciga Aqoonsiga & Diiwaangelinta Dadweynaha.

 8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, sida ay u dardargeliyeen ansixinta shuruucdan oo aasaas u ah Dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci & dowladnimo casri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujineysa muhiimadda wada shaqeynta ee Hay’adaha Dowladda.