Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shariif Sheekh Axmed kala hadlay arrimo dhowr ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa Madaxweynihii hore ee dalka uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaalada dowladdu ay ku bixineyso xoreynta dalka & halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al Shabaab lagu ciribtirayo." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo dhaweynta ah ee uu ugu fidiyay Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyay dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo."
Ilo wareedyo ayaase sheegaya in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tan Hirshabelle, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Beledweyne ee ka dhalatay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, qaybna ka ah xiisadda beeleed ee laga soo sheegayo deegaanka Xalfooley oo dhaca xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Madaxweynaha xafiiska jooga iyo Madaxweynihii hore ee dalka ay sidoo kale ka wada hadleen kulan la filayo in maalmaha soo socda uu Caasimadda Muqdisho ku dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnihii Midowga Musharaxiinta, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh xubinta ka ahaa xilligiisii uu u ololeynayay doorashadii dib loogu soo doortay 15-kii bishii May ee sanadkii hore.
Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa baaq ka soo saaray xiisadda Xalfooley, iyagoona beelaha ugu baaqay wixii tabasho ah ee jira in wada hadal lagu dhameeyo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa baaqiisa ku xoojiyay inaanan loo baahnayn dagaal aan ahayn midka Shabaab lagu la jiro, ciddii dagaal u caaboona ay tahay in Shabaabka ka hortagaan.
Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa sheegay inaanay maanta lahayn cadow aan Shabaab ahayn, isagoona beelaha ugu yeeray in dagaalka dhexdooda ay ka gudbaan.
"War nimanyahow dagaalaa nagu furan, hal cadow ayaan leenahay, Shabaabaa la yiraahdaa. Dhaqan, waxbarasho, Dugsi Quraan iyo Masaajid waa noo diiday." Ayuu yiri Waare oo intaasi ku daray "Markii annagu ay wax yar iska-key qabtaan inaan isku dhiiranaano oo Shabaab markii uu soo saftana meel aan ka baxnay la waayo, dhaqankaas horta aan iska bedelno. Annagu cadow ayaan leenahay, cadowga horta noo yaalo waa kaas."
Madaxda Dowladda Federaalka ayaan iyagu weli ka hadlin xiisaddan ka soo korortay gobolkaasi.




