Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay Taalada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska aasaaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed, waxa uu ubax-dhigay Taalada Halgameyaashii SYL oo 80 sano ay ka soo wareegtay markii ay aasaaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka ay maanta haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen Halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada ku soo duushay sida uu sheegay nolosha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si ay dalka uga dulqaadaan kooxaha argagixisada.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guuleysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoreynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag, oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, nolosha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siineyso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo u abuurka, waxa uuna ku bogaadiyay sida ay qaybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.