Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoobay Safiiro cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirada cusub ee dalalka Jabuuti, Cuba iyo Canada ee loo soo magacaabay Somaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjireyaasha kala ah;- Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Canada iyo Juan Manuel Rodriguez, oo ah Danjiraha cusub ee dalka Cuba u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Somaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Cuba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali heshiis la ah dunida.