Madaxweyne Xasan Sheekh oo xal u raadinaya khilaafka Jubbaland iyo reer Gedo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii uu 1-dii bishan ku tegay Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay hawlgalada ka bilowday Jubbaland, ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada ay ka maamulaan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo gulufkan iska kaashanaya ayaa hadda u muuqdo kuwo ku sii siqaya dhanka Degmada Jamaame.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay, haddii ay hawlgaladu sii socdaan in ciidamadu ay gacanta qaranka ku soo celin doonaan dhammaanba dhulkaasi.

"Sida hadda ay wax u wadaan iyo dadaalada ay wadaan, haddii ay sii wadaan in Ilaahay idinkiis mar aan dheereen deegaankan Khawaarijta ka madaxbannaanayaan, Dowladda Federaalkana qaybtaas ay hadda uga jirto dadaalka ka socda deegaankan way sii xoojineysaa, wayna sii kordhineysaa." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in hadda uu u jiheysto wax ka qabashada xiisadda siyaasadeed, ee dhowrkii sano ee ugu dambeysay ka dhex taagneyd Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo siyaasiyiinta reer Gedo.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Magalaada Kismaayo waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Jubbaland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo u tegay dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo xalinta tabashada reer Gedo.

Wasiir Kuxigeenkii hore ee Arrimaha Gudaha Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ku sugan Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay inay u diyaargaroobayaan imaanaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka. 

Labada dhinac ayuu khilaafkan soo kala dhexgalay, ka dib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 dib loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.