Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Magaalada Dhuusamareeb.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu si rasmi ah xarigga uga jaray wejiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga Dhuusamareeb iyo Taalada Cagaaran ee magaalada.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isla markaana u xaqiijiyeen in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha." Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wararka ee Madaxtooyada Qaranka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaale ee deegaanka, isaga oo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Somaliya ee ka qayb qaatay qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan." Ayaa lagu sheegay warka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warka lagu sheegay inuu Madaxweyne Qoorqoor ku amaanay dhaxalka dowladeed ee waaraya iyo taariikhda muhiimka ah ee uga tagayo deegaanka, isla-markaana uu dadka reer Galmudug ugu baaqay inay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii ambaqaadaan dadaalada lagu horumarinayo deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay Jimcihii Dhuusamareeb uga bilaabatay booqasho la sheegay inuu ku marayo deegaanada Galmudug.