Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Xarunta Taliska Sirdoonka Militariga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta Taliska Sahanka & Sirdoonka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xaruntan cusub oo laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho ayaa loo dhisay qaab casri ah, waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga qaranka.
Madaxweynaha ayaa xaruntan ku tilmaamay astaan muujineysa dadaalada ay dowladdu ku bixisay dhismaha hay'adaha difaaca, isagoona sheegay in teknolojiyadda lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgalada ciidamada iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed ee qaranka.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isagoo masuuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ka soo hooyeen jiidaha dagaalka, gaar ahaan dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Hoose.
Xarunta Sirdoonka Militariga ee Muqdisho ayaa uruurin doonta xogaha laga helo cadowga, si saraakiishu ay dhiraandhirin ugu sameeyaan, ka dibna ay fallanqayntooda ula wadaagaan masuuliyiinta, si loogu diyaargaroobo ka hortag weerar amaba loo qaato go'aan weerar oo ka dhan ah cadowga.