Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Salaad Cali Jeelle

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaad Cali Jeelle u magacaabay La taliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Salaad Cali Jeelle ayaa dhawaan laga qaaday xilka Safiirka Somaliya ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib dhowr sano oo uu ka hawlgalayay Magaalada Djibouti.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Salaad Cali Jeelle ugu magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Sare.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubaridka iyo horumarinta ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay La taliyaha Sare ee Madaxweynaha.
Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer masuuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La taliyaha cusub ku amaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyay kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.


