Madaxwyne Xasan Sheekh oo saxiixay Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bishii July magacawday Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaana billihii October iyo November ansixiyay dhismaha guddigan.

"Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu ka tarjumayo, sida Somaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyay wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha guddigan." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurtageliyay in la helo guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran."

Madaxweynaha ayaa Guddiga Xuquuqul Insaanka ku booriyay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday iyo xoojinta nidaanka dowladnimada ee ku dhisan caddaaladda iyo isla xisaabtanka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Alle uga baryay in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha guddigan ayaa xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan." Ayaa lagu yiri warka.

Ka dib saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, guddigan ayaa hadda noqonaya mid sharci ah.