Magaalada Beledweyne oo si weyn looga barakacay
Inta badan dadkii deganaa Magaalada Beledweyne ayaa ka barakacay magaaladaasi, ka dib markii uu si weyn ugu fatahay Webiga Shabelle.
Biyo xoog leh oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa sababay in webigu uu si baahsan ugu fataho magaalada, xaalad adagna ay ka abuurto xaafadaha magaaladaasi.
Afhayeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Daa'uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ay ka jirto fatahaad baahsan, dadkii deganaana ay ka barakaceen, kuwaa oo sida uu sheegay daadsan labada daraf ee magaalada.
"Magaalada Beledweyne waxaa ka jira fatahaad baahsan, oo runtii uu sameynayo Webiga Shabelle, dadkii deganaana magalaadu waa ay ka barakaceen, iyagoo runtii daadsan bariga iyo galbeedka magaalada." Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.
Afhayeenka ayaa yiri "Dad waxaa jiray ku sugnaa guryaha magaalada, kuna go'doomay, Dowladda Hirshabelle-na waxay dadaal ku bixineysaa, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in dadka guryaha ku go'doonsan loo sameeyo daadgureyn, shalay iyo maantaba waxaa runtii si dardar leh ku socota daadgureynta dadka guryaha ku go'doomay."
Dhanka kale Afhayeenka ayaa faah faahin ka bixiyay kulan uu maanta Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu Magaalada Beledweyne kula yeeshay Wakiilada Qaramada Midoobey u qaabilsan Hay'adaha FOA, WFP, OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee ka hawlgala magaaladaasi.
"Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle waxa uu la kulmay hay'adaha ka shaqeeya samafalka ee jooga Magaalada Beledweyne, waxa uuna faray in si degdeg ah dadkaasi loola soo gaaro gurmad degdeg ah. Dadkan waxay daadsan yihiin magaalada barigeeda iyo galbeedkeeda, waxayna u baahan yihiin in gurmad ay helaan, oo biyo dhaamin, cunto iyo hoyna ay helaan." Ayuu yiri Afhayeenku.
Cirro ayaa intaasi ku daray "Dowladda Hirshabelle waxay xoogga saari doontaa, sidii dadkan gargaar degdeg ah loola soo gaari lahaa, Insha'Allah. Aad baad u mahadsan tihiin."
Webiga Shabelle ee sida weyn ugu fatahay magaaladaasi ayaa mara bartamaha Beledweyne.








