Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Muqdisho

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Magaalada Muqdisho, iyagoona dhinacyada ku booriyay inay ku laabtaan miiska wada hadalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka socdo Muqdisho ay yihiin kuwo aan laga fiirsan, isla-markaana Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo si nabad ah.
"Rabshadaha ka socdo Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida dhinac walba waxaa ka saaran masuuliyad ay ku ilaalinayaan xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu xaliyo qaab nabadeed." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Tallaabooyinka la qaadayo saacadaha iyo maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa inay cawaaqib waara ku yeeshaan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Somaliya."
Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sidoo kale sheegtay in UK ay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in rabshado ay xilli habeen ah ka dhaceen Muqdisho.
"Rabshaddu waa wax aan la aqbali karin, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal loo dhan yahay oo wax dhisaya, si xiisadaha loogu xaliyo si nabad ah." Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa illaa shalay galab magaalada kula dagaalamayay ciidamo taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka biyo diidan muddo kororsiga Hay'adaha Dowladda Federaalka.
Dagaalkan ayaa baqdin baahsan ka huriyay gudaha magaalada, iyadoona qof kasta oo Muqdisho ku nool uu ka hadlayo gacan ka hadalka cusub ee soo kordhay.


