Mareykanka iyo Iran oo wada hadal ku leh Magaalada Rome

Wufuudda Mareykanka iyo Iran ayaa lagu wadaa in mar kale ay maanta ku kulmaan Magaalada Rome, ka dib wada hadalkii ay Sabtidii hore ku yeesheen Magaalada Muscat ee dalkaasi Cumaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa riixaya in Washington iyo Tehran ay heshiis ka gaaraan sameysashada Iran ee hubka nuclear-ka, si loo xaqiijiyo in Iran aysan yeelan doonin hubka wax gumaada.

Wareegga labaad ee wada hadalkan ayaa daba socdo wada hadalkii ay 12-kii bishan dhexdhexaadineysay Dowladda Cumaan, kaasoo noqday wada hadalkii ugu sarreyay ee ay labada dhinac yeeshaan, tan iyo markii Trump uu ka baxay heshiiskii taariikhiga ahaa ee nuclear-ka Iran ay quwadaha waaweyn la galeen dalkaasi sanadkii 2015.

Trump ayaa bishii May ee sanadkii 2018 ku dhawaaqay in maamulkiisu uu ka laabtay heshiiskii ay dhankooda u soo saxiixday Dowladdii Madaxweyne Barack Obama, isagoona soo rogay cunaqabateyn ka dhan ah Tehran. Trump ayaa xilligaasi soo nooleeyay shakiga laga qabo kalsoonida Mareykanka.

Iran oo ka carootay tallaabadaasi ayaa tan iyo markaas ka tagtay dhammaan wax kasta oo lagu xadeynayay barnaamijkeeda nuclear-ka, waxayna bacriminta uranium-ka ay gaarsiisay illaa 60 boqolkiiba, oo ku dhow heerarka sameysashada hubka ee 90 boqolkiiba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Jimcihii sheegay inuu aaminsan yahay in labada dowladood ay heshiis ka gaari karaan barnaamijka nuclear-ka dalkiisa, inkastoo uu shaki ka muujiyay ujeedooyinka Mareykanka.

"Inkasta oo aan shaki weyn ka qabno ujeedooyinka iyo dhiirigelinta dhinaca Mareykanka, haddana waxaan ka qaybgeli doonnaa wada-xaajoodka Sabtida." Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa'id oo isaga iyo dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov ay si wadajir ah ugu qabteen Magaalada Moscow.

"Waxaan si buuxda ugu diyaargarownay inaan raadino xal nabadeed oo ku aaddan barnaamijkayaga nuclear-ka."  Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo sii hadlayay.

Lavrov ayaa dhankiisa sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay ciyaarto door kasta oo faa'iido u leh Iran aragtideeda oo Mareykanka uu aqbali doono.

Ruushka oo ah dalka madaxyada ugu badan ee hubka nuclear-ka haysta ayaa xoojiyay iskaashigiisa militari ee Iran, ka dib duulaankii ay ciidamadiisu ku qaadeen dalka Ukraine bishii February ee sanadkii 2022.

Ruushka iyo Iran ayaa maanta isaga dhow wada-xaajoodkii hore ee 5-ta dal ee leh awoodda Veto iyo Jarmalka ay la galeen Iran bishii July ee sanadkii 2015.

Si kastaba ha-ahaatee wafdiga Mareykanka iyo Iran ee wada hadalka ku leh Rome ayaa waxaa kala hoggaaminaya Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Wasiir Araghchi.